Dhageyso:-Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo Maanta Tagay Degmada Buula-burte.

0

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Maxmed Xuseen Odowaa iyo Wafdi uu hogaaminaayo ayaa maanta barqadii gaaray Magaalada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

Wafdiga ayaa waxaa qeyb ka ah Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Soomaaliya oo uu ka mid yahay Wasiirka amniga Gudaha Xukuumadda Soomaaliya,Xildhibaanno iyo Masuuliyiin kale oo ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Wasiirada ayaa waxaa ay kormeer ku tageen Xarumaha Dowladda,Isbitaalada iyo waliba Xarumaha Waxbarasho eek u yaalla Buula-burte iyagoo ay wehlinayan Xubnom ka mid ah Masuuliyiinta Maamulka degmada Buula-burte ee dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arimaha Gudaha Xukuumadda Soomaaliya C.raxmaan Odowaa ayaa waxaa uu hadal u jeediyey Odayasha iyo waxgardka Degmadaasi oo halkaa ku soo dhaweeyey Maanta,waxana uu ka hadlay arima badan oo ku saabsan xaalka shirk Magaalada Jowhar ee Maamulka loogu dhisaayo Gobolada Hiiraan iyo Shbeelaha dhexe,waxaana uu sheegay in ay dowladdu ku dadaalayso sidii shirku uu noqonlahaa mid markaasi ay dadku isku raacsanyihiin dhawaanna uu furmayo.

Halkaan ka dhageyso Hadalka Wasiirka arimaha gudaha Xukuumadda Soomaaliya idaacadda Simba ay si gooni ah u heshay xilligii uu hadalka ka jeedinayey Magaalada Buula-burte.

120101_009

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here