Warbixin lagu qoray barta twitter-ka ee xafiiska qaramada midoobe ee soomaaliya Unsom oo soo xiganaayo wargeyska ka faalooda arrimaha musiibooyinka ee Pbs ayaa lagu yiri in ay qaramada midoobe ay wali ka digeyso qatarta abaaraha xoogan ee ka jira wali soomaaliya.
Warbixintaan ayaa lagu yiri in kumanaan soomaali ah ay halis ugu jiraan in ay naftooda ku waayaan abaaraha dalka intiisa badan ka jira.
31 bishii hore ee march ayaa iskuduba ridaha qaramada midoobe arrimaha bini-aadan nimada ee soomaaliya Peter de Clercq, waxaa uu dalbaday lacag gaareysa 105 million oo dollar oo wax looga qabanaayo abaaraha saameeyey dadka iyo duunyada.
2 million dad lagu qiyaasay oo kunool gobolada puntland iyo Somaliland ayaa sidoo kale ay heesataa abaaraha.
Source: UNSOM Twitter.






