Hay-ada caalamiga ah ee fadhigeedu tahay magaalada London ee Amnesty international ayaa soo saartay warbixin ay ku eektay dalalka ay ka dhacaan dilalka iyo falalka daldalida ah ee ay fuliyaan dowladaha xukunka haya.
Iran ,Pakistaan iyo sacuudiga ayaa noqday dalalka ugu badan ee dadka lagu dilo .
Warbixinta ayaa saddexdaasi wadan gaarsiisay heerka dilalka 89%.
Warbixinta ayaa lagu sheegay in dalalka masar iyo soomaaliya ay ku jiraan kaalmaha dhexe oo iyagana laga fuliyo dilalka ay fuliyaan maxkamadaha dalalkaasi.
Amnesty ayaa dowlada soomaaliya ku eedeysay in ay ku lug leedahay dilal aan loo fiirsan oo lagu filiyo dad rayad ah oo aan dambiyo lagu cadeynin.
Waxaa kaloo amnesty ay sheegtay in aanan maxkamadaha dalka soomaaliya ka jira aysan u howl galin qaab cadaalad ah.
Sanadkii dhamaaday ee 2015 waxaa dunida lagu dilay dad gaaraya 1,634 oo boqoleey u dhiganta 50%.
Warbixinta amnesty ayaa ah warbixin sanad leyd oo sanad walba soo baxda.
Source: Amnesty official website:

