Madaxweynaha kooxda Atletico Madrid Enrique Cerezo. Ayaa sheegay In uusan hubin in xidiga Diego Costa oo ka tirsan kooxda Chelsea uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa Hore ee Atletico Madrid.
Weeraryahanka kooxda Chelsea Diego Cosa oo la ganaaxay 3-kulan ayaa la hadal hayaaa in uu dib ugu laaban doono kooxdiisa hore kadib markii uu ku jahwareeray Noloshada dalka ingiriiska iyo kooxda Chelsea.
Xidiga reer Spain ayaa kooxda Atletico, u dhaliyay 64-goal kadib markii uu kasoo muuqday 133-kulan kooxda ayuu sidoo kale ka caawiyay ku guuleysiga horyaalka dalka Spain xili ciyaareedkii 2013-ka ka hor inta uusna ku biiran Chelsea Madaxweyne Cerezo ayaa aaminsan in wax walba ay macquul noqon karaan.

