Waxaa Maanta Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaliya ka dhici doona Isu soo bax roob-doon ah oo ay soo qaban qaabisay wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta ee xukuumadda Soomaaliya.
Isu soo baxa oo ka dhici doona Barxadda masjidka weyn ee Isbaheysiga Islaamka ayaa ah halka lagu oogayo salaad roob-doonka waxaana kasoo qeyb gali doona Madax ka Tirsan dowlada soomaliya,Culumaaudiin,iyo qeybaha bulshada ku dhaqan degmooyinka Gobolka Banaadir waxayna dhamaan alle ka baryi doonaan in Umadiisa uu ugu nasteexeeyo nimcada roobka.
Agaasimaha Waaxda Diinta ee wasaaradda Awqaafta iyo arimaha Diinta ee Xukuumadda Soomaaliya Sheekh Cali Maxamuud Sheekh (Cali Dheere) ooo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in afartii maalin ee la soo dhaafay lagu howlanaa sidii loo oogi lahaa salaadda roob-doonta ee loo yaqaano Salaatul istisqaa.
Dhanka kale Ciidamada Koofi gaduuda ee sida gaarka ah u ilaaliya Madaxtooyada Somaliya ayaa saaka aroortii la soo dhigay Masaajidka Isbaheysiga si ay ammaanka u xaqiijiyaan.

