Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya Maxamed Sheekh Cismaan ayaa ku dhawaaqay waqtiga uu Furmi doono Kalfadhigii ugu dambeeyay ee Mudaanayaasha Baarlamaanka Soomaliya.
Maxamed Shiikh cusmaan Jawaari oo dalka dib ugu soo laabtay ayaa ku wargaliyay dhamaan xildhibaanada baarlamanka soomaliya in ay soo xaadiraan kalfadhigii ugu dambeeyay ee mudanaayasha baarlamanka soomaliya si loo sii amba qaado howlaha horyaala Guddonka.
“Dhamaan Xildhibaanada Golaha shacabka inay soo xaadiraan Kalfadhiga Sideedaad oo furmo doono Maalinta Bisha April ay tahay 10-ka 2016, waxaa furmi doono Kalfadhiga Sideedaad ee Golaha shacabka, sidaasi darteed Xildhibaanada waxaan ku wargelinayaa, Kalfadhigaan inuu yahay mid howlo culus ayna horyaalaan oo ay ka mid yihiin dhamaan Shuruucda taala oo mid waliba loo baahan yahay in go’aan laga gaaro ma jiri doono Sharci Golaha hor yaalo oo qabyo looga tagi doono.” Ayuu yiri Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya.
Sidoo kale Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliya. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa ku wargaliyay Guddiyada Joogtada ee Baarlamaanka in 5-ta Bishan oo Beri ku beegan inay yimaadaan xarunta Golaha shacabka oo uu ka dhici doono Kulan lagu dejinaayo qorshayaasha Baarlamaanka Soomaliya.
Kalfadhiga Sideedaad ee Golaha shacabka, ayaa ah kalfadhigii ugu dambeeyay ee yeelan doonaan xildhibaanada Baarlamanka soomaliya madaama dowlada haatan shaqaysa uu waqtigeeda ka dhiman yahay muddo 4 Bilood ah,

