Guddiga badbaadinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa maAnta ku dhawaaqay xiliga ay dhici doonto Doorashada Hogaanka Ururka NUSOJ,
Guddomiye ku-xigeenka guddiga badbaadinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ Ismaaciil Sheekh Khaliifa oo shir jaraa`id saxafada ugu qabtey maqaalada Muqdisho waxa uu kaga dhawaaqey in 20-ka bishaan lagu qaban doono Muqdisho, shirweyne looga hadlayo aayaha Wariyeyaasha laguna dooran doono hogaanka cusub ee NUSOJ,
“20-bishaan waxaa dhacaysa Doorashada Hogaanka Ururka NUSOJ, qof walba oo wariye soomaliyeed ah way u furan tahay u Tartamida Hogaanka cusub ee NUSOJ, ayuu yiri Ismaaciil Sheekh Khaliifa Guddomiye ku-xigeenka guddiga badbaadinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ.
Guddiga badbaadinta suxufiyiinta Soomaaliyeed ee NUSOJ ayaa dhawaan ku guuleystay in la xaliyo qilaafkii ka taagnaa Hogaanka Nusoj waxaa 20-bishaan la filayaa in Muqdisho lagu qabto doorashada Hogaanka Cusub.

