Hogaamiyaasha sar sare ee laga soo doorto gobolka woqooyi bari ee dalka Kenya ayaa muujiyey sida ay uga goantahay in ay u midoobaan dagaalka lagula jiro xarakada Al-shabaab.
Dhamaan hogaamiyayaasha ayaa sheegay in falalka Al-shabaab ay geestaan in aysan ka turjumeynin diinta islaamka, iyagoo sheegay in diinta islaamka ay tahay diin nabdeed.
Hogamiyaashaan ayaa shalay ka qeyb galay munaasabad lagu xusay sanad guuradii 1aad ee kasoo wareegatay xiligii Al-shabaab ay laayeen arday gaareysay 147 arday oo ka mid ahaa ardayda jaamacada Garissa.
Madaxdaan soomaalida ayaa sheegay in soomaaliya oo noqota dal nabdoon ay la mid tahay Kenya oo nabdoon .
Hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Kenya heysta Aadan Bare Ducaale, gudoomiyaha degmada Garissa ee gobolka waqooyi Bari Kenya Nadiif Jaamac, Barre Shiil oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Kenya iyo safiirka soomaaliya ee Kenya u fadhiya Jamaal Xasan ayaa dhamaan muujiyey sida ay u daneenayaan in Al-shabaab waqti uun laga adkaado.

