Madaxweynaha Soomaliya oo ka Hadlay Dilka Xasan Cali Dhoore, oo ahaa Madaxii Amniyaadka Al Shabaab.

0

Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ayaa ka hadlay hawlgalkii qorsheysnaa,ee habeenkii Khamiista lagu dilay Xasan Cali Dhoore, oo ahaa Madaxii Ciidamada Amniyaadka Xarakada Al Shabaab.

Mudane Xasan Shiikh Maxamuud oo kasoo muuqday shaashadaha ayaa si weyn usoo dhaweeyay qaabka ay ciidamada dowlada soomaliya oo kaashanaya khuburo mareykan ah ay ugu guuleysteen dilka madaxii amniyaadka al-shabaab Xasan Cali Dhoore.

“Kumaandooska Somaliya iyo khuburo ka tirsan Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Somaliya ayaa weerar ku qaaday saldhig uu daganaa madaxii Amniyaadka u qaabilsan Al-Shabaab Xasan Cali Dhoore.” Ayuu yiri Madaxweynaha Somaliya.

Madaxweynaha Soomaliya Xasan Shiikh Maxamuud ayaa sheegay in Ciidamada Kumaandooska Somaliya iyo khubarada mareykanka in ay ka hortageen weeraro al-shabaab ay ka geysan lahaayeen qaar kamid ah Gobolada dalka soomaliya iyo Magaalada Muqdisho ee caasimada soomaliya.

Al-shabaab ayuu Madaxweynaha Soomaliya Mudane Xasan sheikh Maxamuud ku tilmaamayay kuwa doonaya dhibaateenta Umada soomaliyeed iyo in dalka ay mar walba ka jiraan dhibaatooyin iyo colaado sakooye.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here