Kooxo Hubeysan ayaa habeenkii xalay ahaa waxa ay Gudaha Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo, ku dileen Madaxii Canshuuraha ee Degmada Baardheere.
Rag Hubeysan ayaa la sheegay in ay dhowr xabadood ku dhufteen Madaxii Canshuuraha ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. Oo xiliga la dilayay aysan la soconin wax ilaalo ah.
Dilka ayaa ka dhacay halka loo yaqaano Soona Cagaaro ee bartamaha degmada Baardheere ee Gobolka Gedo ee koonfurta dalka soomaliya sida ay warbaahinta u sheegeen dad ku sugnaa goobta uu dilka ka dhacay.
Dhanka kale ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada Soomaliya oo goobta gaaray ayaa ku guul dareystay In ay gacanta ku dhigaan ragaan la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka Madaxii Canshuuraha ee Degmada Baardheere ee Gobolka Gedo. wallow aysan jirin cid sheegatay dilka.

