Diyaarad Cillad Farsamo uga dagiweysay Garoonka Muqdisho.

0

Wararka Idaacadda Simba ee Muqdisho ay helayso ayaa sheegaya in Maanta ay garoonka Cillad farsamo ay uga dagiweysay mid ka mid ah diyaaradaha nuuca qaadka qaada ah ee isticmaala garoonka diyaaradaha ee muqdisho.

Waxaa la sheegay in diyaaradda ay u suuragaliweysay in ay ku dagto goobta loogu talagalay in diyaaraduhu ay ku dagaan marka ay yimaadaan garoonka waxaana la ogeyn cilladda rasmiga ah ee sabbtay in diyaaraddan ay soo dagiweyso.

Ilo lagu kalsoonaankaro oo ku sugan garoonka diyaaradaha ee Aaddan Cadde ayaa Simba u sheegay in diyaaraddu ay ka timi Magaalada Hargeysa islamarkaana ay wadda qaad,markii ay garoonka kusoo dhawaatana ay u suuragaliweysay in sidii caadiga ahayd ee diyaaradugu garoonka ugu dagijireen ay ugu dagato.

Waxaa sidoo kale ilaha aan warkaan kasoo xigannay oo diiday in magacooda iyo Codkoodaba aan warbaahinta u adeegsanno ay inoo sheegeen in diyaaraddu ay u laabatay magaalada Gaarisa ee xarunta Gobolka Woqooyi-bari ee dalka Kenya halkaasi oo aan la ogeyn sababaha ay u aadday,dhawaanna ay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho ay dib ugusoo laabaneyso sida la xaqiijiyey.

Masuuliyiinta Garoonka diyaaradah ee Magaalada Muqdisho oo aan la xariirnay ayaa ka gaabsaday in ay ka hadlaan arinkaan qaarkoodna taleefanadooda gacanta kamaysan Jawaabin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here