Wararka Caawa aan ka helayno Magaalada Baladweyn ee Xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Masjid ku yaalla Magaaladaasi gaar ahaan Xaafadda la yiraahdo Howlwadaag lagu weeraray Bomb gacmeed sida wararka halkaa ka imaanaya ay xaqiijinayaan,
Waxaa jira qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo kadhashay Bomb-ka Masjidka lagu tuuray waxaa lagu waramayaa in ugu yaraan 10-ruux ay ku dhaawacmeen halka ilaa iyo iminkana la xaqiijiyey inuu kun geeriyooday hal ruux,dadka waxyeeloobay ayaa waxaa ay dhammaantood ka mid ahaayeen Jameecadii Masjidka ku tukaneysay Salaadda Cishaha.
Dadkii dhaawacmay ayaa xaaladdooda Caafimaad lagusoo waramayaa in ay qaarkood liidato islamarkaana lagu dabiibayo hadda xaaladooda Isbitaalka Magaalada Baladweyn ee xarunta gobolka Hiiraan.
Waddooyinka soo gala Masjidka Bomb-ka lagu weeraray ayaa waxaa gabi ahaamba xiray Ciidamo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo markuu falku dhacay kadib gaaray agagaarka Masjidka.
Masuuliyiint Maamulka Gobolka Hiiraan ee Dowladda Soomaaliya oo aan xiriirro kala duwan la sameynay waa ay ka gaabsadeen in ay faahfaahin ka bixiyaan sida ay wax u dhaceen iyagoona kusoo koobay hadalkooda inuu baaritaan socdo hadda.
Wixii kasoo kordha dib kalasoco insha allaah.

