qaramada midoobe ayaa dalbatay lacago kaash ah oo wax loga qabanaayo dhibaatooyinka ay sababeen abaaraha ka jira guud ahaan dalka soomaaliya.
Madaxa arrimaha gargaarka ee qaramada midoobe ayaa sheegay in hada loo baahan yahay lacago gaaraya 105 million oo doolarka mareykanka si loogu gargaaro dadka ay heysato abaaraha soomaaaliya ka jira.
Qaramada midoobe ayaa sheegtay in koonfurta, bartaha iyo waqooyiga dalka ay heesato abaaro saameysay dadka iyo duunyada ku dhaqan goobaahaasi.
Waxaa kaloo ay qaramada miboode ay dalalka deeqbixiyaasha caalamiga ah ay ka codsatay in ay u gargaaran dadkaasi aadka ay abaaraha u saameeyaan.
Guud ahaan soomaaliya ayaa waxaa ka jirto abaar aad u xoog badan oo hadii aan laga gaarin keeni karta halis dhimisho.

