Dad ku Dhintay Buundo kusoo Duntay Dalka Hindiya.

0

Ugu yaraan 10 ruux ayaa ku dhimatay buundo kusoo duntay magaalada Kolkata ee bariga dalka hindiya.

Afhayeen u hadlay booliska dalka hindiya ayaa sheegay in wali dad badani ay ku hoos jiraan buundada soo duntay hoosteeda.

Xiliga ay buundadaan dumeysay ayaa dad badani ay hoos socdeen buundada taasi oo laaga cabsi qabo in ay jiri karaan dhimasho intaas  ka badan.

Wakaalada wararka ee reuters ayaa baahisay sida ay buundada u soo duntay iyadoo soo bandhigtay sawirada dhoor gawaari oo bur burtay .

Magaalada Kolkata ayaa ku taala bartamaha bariga dalka hindiya.

dad badan oo kale ayaa ku dhaawacmay buundada soo duntay maanta

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here