Ciidamada Amisom iyo kuwa Xarakada al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay isku weedaarsadeen tiro Madaafiic ah.
Gudoomiyaha deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose Abuukar C/laahi Isxaaq (alcadaala) oo idaacada simba ee Magaalada Muqdisho la hadlay ayaa sheegay in xalay seqdii dhexe ay deegaanka tiro Madaafiic ah ay kusoo tureen rag ka tirsan al-shabaab isla markaana ciidamada amisom ay jawaab ka bixiyeen.
Abuukar C/laahi Isxaaq (alcadaala) Gudoomiyaha deegaanka Leego Waxa uu tilmaamay in aysan qasaaro geysan Madaafiicda xalay la isku weedaarsaday deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
Dhanka kale wararka saakay ka imaanaya deegaanka Leego ee Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegaya in ay socdaan howlgalo ay sameynayaan ciidamada dowlada soomaliya iyo ciidamada Midowga Africa ee amisom.

