Faroole:- Xasan Shiikh Maxamuud Waxa uu Doonayaa Mar kale in uu Noqdo Madaxweynaha Soomaliya+Dhageyso  

0

Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland C/raxmaan Maxamed Faroole oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in madaxweynaha Soomaliya Xasan sheikh Maxamuud uu yahay mid doonaya in uu mar kale noqdo Madaxweynaha Soomaliya.

C/raxmaan Maxamed Faroole Madaxweynihii Hore ee Maamulka Puntland  ayaa Tilmaamay in Madaxweyne Xasan sheikh Maxamuud ay dowladiisa ku guuldareystay dhisida Maamulka Hiiraan iyo Shabeelaha dhexe sidaas Darteed uusan maamulka Puntland ku cadaadin Karin qaadashada nidaamka 4.5.

“Xasan Shiikh Maxamuud waxa uu doonayaa in uu mar kale Noqdo Madaxweynaha Soomaliya kadib doorashada soomaliya ka dhacaysa bisha August ee sanadkaa 2016-ka. ayuu yiri Madaxweynihii hore ee Maamulka Puntland Faroole.

Maamulka Puntland ayaa kasoo horjeeda in doorashada soomaliya ka dhacaysa  sanadkaan 2016-ka  in lagu saleeyo nidaamka 4.5

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here