Seif Eldin Mustafa oo ah ninkii afduubtay diyaarada ay la heyd shirkada diyaaradaha masar ayaa lagu sheegay in ay haysatay xanuun dhanka maskaxiyan ah.
Mustafa ayaa duuliyihii diyaarada ku qasbay in uu leexiyo jihada diyaarda kuna sii jeediyo garoonka Larnaca ee dalka qubrus, halkaasi oo ay joogtay xaaskii hore.
Mustafa ayaa la sheegay in uu lasoo baxay suun loo maleeyey in waxyaabaha qarxa ay ku xirnaayeen.
Mustafa ayaa la xiray kadib markii ciidanka qubrus ay gudaha u galeen diyaarada xili uu heystay 7 ruux oo rakaabkii diyaarada ka mid ahaa.
Qaar ka midaa rakaabkii diyaarada iyo shaqaalihii saarnaa ayaa Mustafa uu ka dalbaday in ay soo tusanaan xaaskiisii hore oo u dhalatay dalka jasiirada yar ah ee qubrus.












