Gudoomiyaha magaalada mandera Cali roboow ayaa sheegay in ay soo dhamaatay hada cabsidii ay dadka kunool magaalada mandera ee xuduudka soomaaliya ay ka qabeen Al-shabaab maadaama Al-shabaab ay kaga adkaadeen howl galadii ugu dambeeyey ee xuduudka ka socday.
Cali raboow oo ka hadlayey saddex sana guuradii kasoo wareegatay xiligii uu qabtay xilka maamulka mandera ayaa waxaa uu munaasabada ka sheegay in ay Al-shabaab jiri doonin Qatar badani oo ay u geestaan dadka reer mandera.
“Hada waxaa sare loo qaaday amaanka xuduudka oo ay argagaxisadu nooga soo qaadi jireen weerarada ugu badan waan adkeenay amaanka xuduudka ayuu yiri cali roboow gudoomiyaha mandera ee gobolka waqooyi bari Kenya”.
Al-shabaab ayaa dhoor jeer waxaa ay weeraro ka geestaan magaalada mandera oo ay ku dileen dad badani.
dowlada kenya ayaa ku dhawaaqday in ay soo gaba gabeeysay howl galkii ay kula dagaalameysay Al-shabaab oo ka socday magaalooyinka ku yaalo dhanka xeebaha iyo xuduudka soomaaliya.

