Gudoomiyihii  Ganacsatada Qudaarta Suuqa Siinaay ee Degmada Warta-nabada oo La Dilay

0

Kooxo Hubeysan ayaa waxa ay suuqa siinaay ee degmada warta-nabada ee Magaalada Muqdisho ku dileen Gudoomiyihii  Ganacsatada qudaarta suuqaas.

Rag Bastoolada ku hubeysnaa ayaa la sheegay in ay ka dambeeyeen dilka loo geystay Gudoomiyahii Ganacsatada qudaarta suuqa siinaay ee degmada Warta-nabada ee Magaalada Muqdisho.

Ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya oo goobta gaaray ayaa  sameeyay howlgal lagu baadi-goobayay ragii ka dambeeyay dilka loo geystay Gudoomiyihii Ganacsatada qudaarta suuqa siinaay.

Dhanka Kale Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir C/fitaax Cumar Xalane ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Gudoomiyaha la dilay uu ahaa Gudoomiyihii  Ganacsatada qudaarta suuqa siinaay ee degmada Warta-nabada magaciisana wuxuuna ku sheegay Cabdi Xareed(Daacuur)

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here