Faah-Faahin:- Diyaarad Laga Leeyahay Dalka Masar oo La Af-duubtay

0

Diyaarad ay leedahay shirkadda diyaaradaha ee Egypt ayaa la sheegay ay goordhaweyd ay afduubteen kooxo hubeysan.

Diyaaradan ayaa ka duushay Magaalada Alexandria, waxaana ay ku sii jeeday Magaalada Qaahira ee dalka Masar. Sida ay barta twitterka ku xaqiijiyeen Mas’uuliyiinta shirkada diyaaradaha ee Egypt ee dalka Masar.

Kooxda hubeysan ee af-duubatay diyaarada ayaa la sheegay in ay ku armreen duuliyihii diyaarada in uu ku dajiyo Garoonka diyaaradaha Larnaca airport ee dalka  Cyprus,

Waxaa socda Baaritaanka la xiriira helida macluumaad ku saabsan cida afduubatay Diyaaradan iyo sababta ka dambeysa in la afduubta Diyaarada.

Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here