Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale oo maanta shir Jaraaid ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay xaaladaha hormarka amniga Gobolka Banaadir,
Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ugu horeyn ka hadlay amniga Gobolka Banaadir Banaadir wuxuuna Gudoomiyaha sheegay in Laamaha amniga Gobolka Banaadir ay wadaan Howlgalo amaanka Lagu xaqiijinaayo ayna ku guuleysteen intooda badan.
Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka dalbaday shacabka ku dhaqan Gobolka Banaadir in la shaqeeyaan Laamaha amniga Gobolka si loogu hortago in Gobolka Banaadir ay ka dhacaan falal amniga Lidi ku ah.
Dhanka kale guddoomiyaha gobolka Banaadir Yuusuf Xuseen Jimcaale ayaa sheegey in dhawaan labilaabi doono qaadashada teesarada dhalashada si loo xaqiijiyo dhaq dhaqaaqa muwaadin kasta taasi oo sahlaysa sugidda amniga.

