Dowlada Kuwait oo Daah Furtay Maanta Shirweyne Looga Hadlaayo Arrimaha Waxbarashada Soomaaliya.

0

Shirweyne caalami ah ayaa dowlada Kuwait ay ka furtay xarunta Kuwait ee dalkaasi waxaana shirweynahaan kasoo qeyb galay qaar  ka mida ah dalalka deeq bixiyaasha carabta oo ay u mataleen wasiirada arrimaha dibada iyo iyo kuwa waxbarashada.

Waxaa shirkaan daah furay wasiir kixigeenka arrimaha dibada dowlada Kuwait Khalid Suleymaan  Al- jarallah .

Mudane Khalid ayaa shirka ka sheegay in dowlada Kuwait ay kulankaan waxbarashada soomaaliya looga hadlaayo ay  horay u balan qaaday in lagu martigalinayo dalkeeda.

U jeedka ugu weyn ee shirkaan ayaa ah in la tayeeyo waxbarashada dalka soomaaliya iyo in guud ahaan dalalka deeq bixiyaasha carabta ay kor u qaadaan heerka waxbarashada sare iyo mida aasaasiga ah ayuu yiri wasiir ku xigeenka arimaha dibada dowlada Kuwait  Suleymaan  Al- jarallah .

Waxbarashada soomaaliya ayaa tan iyo burburkii dowladii dhexe ee dalka aanan gaarsiisaneen heerkii looga baahnaa ee dhanka tayada.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here