Madaxweynaha Juba-land:- Al-shabaab Waxa ay Dagaal Galiyaan Caruurta Yar Yar

0

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxmed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa al-shabaab ku eedeeyay in ay Caruur yar yar  ka qortaan deeganada Gobolada Jubooyinka kadibna ay dagaal galiyaan.

Madaxweyne Axmed Madoobe Madaxweynaha Maamulka Juba-land ayaa sheegay in al-shabaab ay Caruurta ku xareeyaan xirooyin tababar lagu siiyo isla markaana ay dagaal galiyaan xiliga ay dhameystaan tababarka wuxuu tusaale usoo qaatay caruurta lagu qab-qabtay dagaaladii ka dhacay Gobolkada Bari iyo Mudug.

Axmed Madoobe waxa uu tilmaamay in al-shabaab ay deeganada Gobolada Jubooyinka ay ka qorteen in ka badan 165-caruur kuwaasi oo kamid ahaa caruurtii dagaalada la galay ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug.

Hadalka Madaxweynaha Maamulka Juba-aland ayaa kusoo beegmaya xili Maamulada Puntland iyo Galmudug ay gacanta ku dhigeen caruur yaryar oo la sheegay in ay ka Tirsanaayeen ciidamada al-shabaab.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here