Wasaarada arrimaha gudaha ee dalkaasi ayaa sheegtay tirade rasmiga ah ee ciidanka ciraaq kaga dhimatay weerar isqarxin ah oo ka dhacay saldhig military oo ay ciidanka kula haayeen deegaanka ciid al-asad oo ku taalo magaalada baqdaad.
Wasaarada ayaa sheegtay in ay ciidanka qaraxaasi uga dhinteen 18 askari.
Kooxda daacish ayaa sheegatay in qaraxaasi ay ku dileen 50 askari oo saldhigaasi ku jiray kadib markii ay ku qaadeen weerar isqarxin ahaa.
Wasaarada ayaa sheegtay in qaraxaasi uu abaabulay askari ka tirsanaa dowlada oo ay hada gacanta ku hayaan.
Shalay aye aheyd markii kooxda daacish ay qarax kale ka fulisay garoon lagu ciyaaro kubada cagta oo ku yaalo gobolka babel halkaasi oo ay ku dileen 20 ruux.

