Puntland oo Soo Bandhigtay Qasaarihii ka Dhashay Dagaalladii ka Dhacay Toogga Suuj ee Garmaal ee Gobolka Nugaal +Sawiro

0

Saraakiisha Ciidamada Maamulka Puntland ayaa sheegay in ay soo afjareen dagaalkii ay kula jireen al-shabaab dhawaan qabsaday Togga SUUJ  oo ka tirsan deegaan xeebeedka Garmaal ee gobolka Nugaal.

Dagaalkaas oo bilowday subaxnimadii hore ee shalay ayaa waxa lasoo afjaray isla galabnimadii shalay, waxaana dagaalkaasi kasoo gaadhey alshabaab qasaare naf iyo maal leh, dhimashadooda inta la’ogyahay waa 65, dhaawaca gacanta lagu qabtayn waa 5, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 30, waxaa sidoo kale gacanta lagaga dhigay saanad millateri oo tiro badan.

Sidoo kale ciidamada naftood hurayaasha ah ee difaacanayey diintooda, dadkooda iyo dalkooda waxaa soo gaadhey qasaare aad u yar taas oo ah 1 Hal Askari oo shahiidey iyo 5  shan Askari oo uu soo gaadhey dhaawacyo, Dagaalkii kasocdey Togga Suuj-na halkaas ayuu kusoo afjarmay.

Dhinaca kale, dagaalkii u dhexeeyey ciidamada xaq kudirirka ah ee Puntland iyo  alshabaab ee kudhexmaray maalinnimadii shalay 20-March-2016-ka deegaanka DABAKARAN oo katirsan deegaan xeebeedka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa  shabaab waxaa kasoo gaadhey qasaare aad u ballaadhan, waxaana halkaasi uga dhintay 45, waxaana dhaawac looga qabtay 4, halka maxaabiista isasoo dhiibteyna ay ahaayeen 8, waxaana intaa sii dheeraa oo goobta lagaga qabtay saanad ciidan oo tiro badan oo u badan hubka noocyadiisa kala duwan.

Dagaalka ciidamada qalabka sida ee aan gabbashada aqoon ee Puntland waxaa uga shahiidey 2 askari halka dhaawacuna uu ahaa 8 Askari, dagaalkaasi weli ma uusan dhammaan saaka 21-March-2016-ka ayuu dib u bilawday khasaaraha dhabta ah ee ka dhashayna waxa lasoo xaqiijindoona marka dagaalka lasoo afmeero.

Wadarta  guud ee qasaarihii iyo Jabkii soo gaadhey  al-shabaab ee ka dagaallamayey deedaanada Suuj ee Garmaal iyo Dabakaran ee Garacad ayaa shalay oo keliya waxa uu gaadheya 100 dhimasho ah, 33 maxaabiis ah iyo 14 dhaawac nolol lagu qabtay ah, taasoo u dhiganta 147 qasaare nafeed ah iyo saanad millateri oo aad u tiro badan.

FG:-Waa war kasoo Baxay Maamulka Puntland

IMG_2576 IMG_2577 IMG_2578 IMG_2581 IMG_2582 IMG_2583 IMG_2588 IMG_2591 IMG_2608 IMG_2641 IMG_2644 IMG_2650 IMG_2664 IMG_2688 IMG_2721

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here