Danjiraha Qaramada Midoobey Ee Somalia Michael Keating ayaa soo dhaweeyay sida uu maamuka puntland ugu guuleystay al-shabaab-ka weerarka ku qaaday xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
War laga soo saaray Xafiiska Danjiraha Qaramada Midoobey Ee Somalia Michael Keating ayaa lagu sheegay in xafiiska Qaramada Midoobey Ee Somalia uu si weyn usoo dhaweynayo guulaha maamulka Puntland ka gaaray dagaalka uu la galay al-shabaab-ka weeraray xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Sidoo kale Michael Keating Danjiraha Qaramada Midoobey Ee Somalia waxa uu sheegay in al-shabaab oo markii hore qabsaday deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ay isku balaariyeen deeganada kale ee xeebta ee Gobolka Bari ujeedkoodana uu ahaa sidii ay u qabsan lahaayeen magaalooyin kale.
“Maamulka Puntland waxa uu bixiyay Jawaabtii ku hobooneed weerarkii al-shabaab ay ku qaadeen deeganada Maamulka Puntland ayuu yiri Danjiraha Qaramada Midoobey Ee Somalia Michael Keating.
Maamulka Puntland ayaa sheegay in lasoo gaba-gabeeyay wajigii Labaad ee dagaalka lagula jirey al-shabaab-ka qabsaday dhawaan deeganada Maamulka Puntland.

