Maamulka Puntland ayaa sheegay in lasoo af-jaraya dagaalkii lagula jiray a-shabaab-ka dhawaan qabsaday xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Wasiirka amniga Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali ”Qarjab” iyo Wasiirka Xannaanada Xoolaha Puntland Cabdijamaal Cismaan Maxamuud oo si wada jir ah Saxaafadda ugula hadlay maanta ayaa sheegay in lasoo af-jaray dagaalka isla markaana shabaab laga saaray xeebaha deeganada Maamulka Puntland.
Wasiirka amniga Puntland Mudane Cabdi Xirsi Cali ”Qarjab” ayaa tilmaamay In shabaab dagaalka loogu dilay 120-askari halka maxaabis ahaan loogu qabsaday 60-maxaabis.
Dhanka kale Mas’uuuliyiin ka Tirsan Maamulka Puntland ayaa la filayaan in ay maalmaha soo socdo ay booqasho ku tagaan deeganadii ay ciidamada Maamulka Puntland kala wareegeen al-shaabab.
Wali wax war ah kama soo bixin dhanka al-shabaab ay kaga hadlaan guulaha Maamulka Puntland.

