Kooxda daacish ee ka dagaalanta dalalka Syria iyo Ciraaq ayaa sheegatay Mas’uuliyada qaraxyadii sedex ahaa ee maanta ka dhacay Magaalada Brussels ee dalka Belgium-ka.
Bayaan ay soo saartay Kooxda Daacish ayay ku sheegatay masuuliyadda weerarkaan, Maanta ka dhacay Magaalada Brussels ee Caasimadda dalka Belgium-ka. Waxaana warkaan lagu baahiyay Wakaaladda Wararka Amaq.
Kooxda Daacish waxa ay dowlada Belgium-ka ay ku eedeysay in ay qeyb ka tahay dowladaha Isbahaysiga Mareykanka ee duqeymaha kawada Gudaha dalalka Syria iyo Ciraaq waxayna kooxda sheegtay in qaraxyo kale ay geysan doonto hadii diyaaradaha Belgium-ka ay sii wadaan duqeymaha Syria iyo Ciraaq.
Dhanka kale In la xaqiijiyay 34ruux. Ayaa ku dhimatay sedex qarax oo ka dhacay Magaalada Brussels ee xarunta dalka Belgium-ka Labada qarax ee horey ayaa ka dhacay Garoonka Zaventem, halka midka sedexaad uu ka dhacay boosteejada tareemada laga raaco.

