Wararka haatan Naga soo gaaraya deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug ayaa ku waramaya in deegaankaas uu goordhaweyd ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa Xarakada al-shabaab.
Dagaalkaan ayaa yimid sida ay sheegayaan wararka kadib markii ciidamada Maamulka Puntland ay weerar xoogan ku qaadeen ciidamo ka tirsan Shabaab oo ku sugnaa duleedka deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug oo ahaa halkii ay markii hore la wareegeen ciidamada al-shabaab.
Dagaalka ayaa la sheegayaa In la isku adeegsanayo Hubka Noocyadiisa kala duwan isla markaana deegaanka Laga Maqlayo hubka ay isweedaarsanayaan ciidamada Maamulka Puntland iyo kuwa al-shabaab.
Lama Ogo inta uu la eg yahay Khasaaraha soo kala gaaray ciidamada maamulka Puntland ee dagaalka qaaday iyo kuwa al-Shabaab maadaama dagaalka uu socdo.
Wixii kusoo kordha kala soco simbanews.com

