Madaxweyne C/wali Gaas oo ku Wajahan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal

0

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali Maxamed Cali Gaas iyo wafdi uu Hogaaminayo ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.

Dr C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa  maalmihii dambe  ku sugnaa Magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia, isagoona halkaas kulamo kula qaatay Madaxda dowlada Ethopia arimaha uu kala hadlay ayaa u badnaa sidii maamulkiisa loogu gacan siin lahaa dagaalka uu kula jiro shabaabka weerarka ku qaaday deeganada Maamulka Puntland.

Dhanka kale Amaanka Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa aad loo adkeeyay waxaa magaalada lagu arkayaa haatan Ciidamo ka Tirsan kuwa Maamulka Puntland uu sugayo amaanka Magaalada.

Dhanka kale Maamulka Puntland ayaa la sheegay in uu maanta soo bandhigayo qaar kamid maxaabis laga qabtay shabaabka laga saaray deegaanka Togga Suuj oo dhawaan ay la wareegeen ciidamada Maamulka Puntland.

Puntland waxaa haatan ku Furan dagaal xoogan kadib markii al-shabaab ay gaareen Gobolada Mudug iyo Nugaal.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here