Madaxweyne Obama oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagey Dalka Cuba+sawiro

0

Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, ayaa booqasho taariikhi ah ku tagey Magaalada Havana ee dalka Cuba,

Barack Obama waxaa booqashadiisa ku wehlinayay qaar kamid ah qoyskiisa waana Madaxweynihii ugu horeeyay ee booqasho ku taga Magaalada Havana ee dalka Cuba 88 sano ka dib.

Wafdiga Madaxweynaha Mareykanka, Barack Obama, waxaa Garoonka diyaaradaha Magaalada Havana kusoo dhaweeyay Masuuliyiin uu kamid yahay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Cuba, Bruno Rodriguez.

Booqashada Madaxweynaha oo qaadan doonto saddex cisho, ayaa inta uu dalkaasi ku sugan yahay waxaa lagu wadaa inuu kulamo kala duwan kula qaato dalkaas Madaxda Xukuumadda Cuba, mucaaradka iyo qaybaha bulshada.

Dadka reer Cuba ayaa hadal haya Booqashada Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama  uu ku  joogo dalka Cuba

1458533244aa459 1458533309a7270 14585332754a4ca 145853323578b72 145853327285b7e 14585332476035c 14585332780708c 145853322712726 145853325315975 145853328297426

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here