Madaxweyne Axmed Madoobe oo Habeenkii Xalay ahaa ku Hooyday Degmada Dhoobley

0

Madaxweynaha maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) oo Habeenkii xalay ahaa ku Hooyday Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose,

Axmed Maxamed Islaam axmed Madoobe oo ay wehliyeen saraakiil ka Tirsan ciidamada maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya ayaa shalay galinkii dambe Gaaray Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose kadib markii ay al-shabaab weerar ku qaadeen kolonyo gaadiid oo ay la socdeen Ciidamada Kenya iyo kuwa Juba-land.

Madaxweynaha Maamulka Juba-land Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa Degmada Dhoobley ee Gobolka Jubadda hoose, kulamo kula qaatay saraakiisha ciidamada Maamulka Juba-land iyo kuwa Kenya arrimaha uu kala hadlay ayaa ugu badnaa sadii loo qaadi lahaa weerar ka dhan ah xarakada al-shabaab. Kadib markii ay al-shabaab kordhiyeen weerarada dhankooda ka imaanaya.

Mudane Axmed Madoobe Madaxweynaha Juba-Land  ayaa  Degmada Dhoobley  ee Gobolada Jubada Hoose ku booqday Ciidamada Kenya ee ku dhaawacmay dagaalkii ka dhacay Deegaanka Xayo oo ka tirsan Jubadda hoose, halkaasi oo maalin ka hor Shabaab iyo ciidanka Kenya ay ku dagaalameen.

Axmed Madoobe ayaa marar badan ku celceliyay in la qaadi doono weerar ka dhan ah Xarakada  al-shabaab oo ku sugan qaar kamid ah degmooyinka Gobolada Jubooyinka iyo Gedo ee Koonfurta dalka Soomaliya.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here