Waxaa Habeenkii xalay ahaa Lagu guuleystay daminta dab ka kacay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho kaasi oo aan la ogeyn waxa sababay.
Waxaa durbadiiba gaaray isbitaalka Banaadir Gaadiidka dab damiska Maamulka Gobolka Banaadir iyo Taliyaasha Nabad sugida iyo Booliska Gobolka Banaadir kuwaasi oo sugayay amaanka isbitaalka si aysan ugu dhicin boob ay sameeyeen qaar kamid ah dadweynaha.
Saacado kadib waxaa Lagu guuleystay daminta dabka ka kacay Isbitaalka Banaadir ee Magaalada Muqdisho. Waxaa la sheegay in uu dabka geystay qasaaro soo gaaray qeybta keydka daawooyinka isbitaalka Banaadir.
Mas’uuliyiin uu kamid yahay Agaasimaha isbitaalka Banaadir Mudane C/risaaq ayaa warbaahinta u sheegay in kaliyah oo dabka geystay qasaaro soo gaaray keydka daawooyinka isbitaalka Baanadir.
Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ku soo badanaaya dabka ka kacaaya goobaha qaarkood, waxaase la tilmaamaa in inta badan uu dabku ka dhasho korontada.

