Al-shabaab oo La Wareegay Xerada Melleteriga Laanta-Buuro ee Gobolka Shabeelaha Hoose

0

Ciidamo ka Tirsan kuwa  al-shabaab ayaa weerar qorshaysan Habeenkii xalay ahaa waxa ay ku qaadeen xerada Laanta-Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe  ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta  Soomaliyeed.

Dagaal saacada badan socday ayaa la sheegay in uu dhaxmaray ciidamo ka Tirsan kuwa dowlada soomaliya iyo al-shabaab oo xerada Laanta-Buuro weerarka ku qaaday.

Ciidamo ka Tirsan kuwa al-shabaab ayaa la sheegay in ay la wareegeen Gacanta ku heynta xerada Laanta-Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe  ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta  Soomaliyeed balse waxa ay ka baxeyn saqdii dhexe ee xalay.

War kasoo baxay al-shabaab ayaa Lagu sheegay in al-shabaab ay xerada ku dileen 73-askari oo ka Tirsanaa ciidamada dowlada soomaliya ayna ku qabsadeen gaadiid iyo hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida ay baahisay idaacadda Andalus  ee ku hadasha afka Al Shabaab dagaalkii Laanta-Buuro ayay al-shabaab ku qabsadeen 10 gaari oo 7 kamida ah yihiin gaadiidka dagaalka ee Tiknikada loo yaqaan halka mid kamida uu ahaa booyad midka 9-aadna uu ahaa Kaarib sidoo kale gaari dagaal oo cilladoobay ayaa lagubay.

Wali wax war ah kama Soo bixin dhanka Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ay kaga Hadlayaan weerarka al-shabaab ay ku qaadeen Xalay xerada Laanta-Buuro oo aheyd xiligii dowladii dhexe  ee soomaliya xabsigii ciidamada asluubta  Soomaliyeed

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here