Wasiirka diinta iyo awqaafta ee dowlada soomaaliya Abdul Razak Sheikh Ali ayaa maanta kulamo waxaa uu magaalada muqdisho kula qaatay safiirka dalka imaaratka ee somaaliya u jooga Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi,.
Kulanka labada masuul ayaa ka dhacay xarunta safaarada imaaratka ay ku leedahay magaalada muqdisho ee caasimada Soomaliya.
Wasiirka diinta iyo awqaafta dowlada Soomaliya ayaa safiirka imaaratka ee soomaaliya kala hadlay arrimo quseeya in la hor mariyo xiriirka wanaagsan ee imaaratku uu hada la leeyahay soomaaliya.
Wasiirka ayaa dowlada imaaratka uga mahad celiyey sida ay uga qeyb qaadaneyso doorka hormarineed ee dalka soomaaliya.
Safiirka dalka imaaratka ee somaaliya u jooga Mohammed Ahmed Othman Al Hammadi,. ayaa isagana ugu dambeen waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay kulanka uu la yeeshay wasiirka diinta iyo awqaafta ee dowlada somaliya Abdul Razak Sheikh Ali , waxaana uu balan qaaday in dalkiisa uu siiwadi doono taageerada kala duwan oo ay la garab taagan yihiin soomaaliya.
Dowlada imaaratka ayaa waxa ay sanadihii dambe cilaaqad dhanka xiriirka ah oo aad u sareeya la laheyd dowlada soomaaliya.
