Iyadoo dalka congo ay ka dhacayaan doorashada madaxtinimo ayaa dowlada ay guud ahaanba jartay maanta barihii internetka ee dalkaasi congo barasafiil.
Wasiirka arrimaha gudaha dalka congo Raymond Mboulou ayaa 48 saac gudahood amray in la xiro dhaman shirkadaha dalkaasi ee bixiya adeegyada dhanka internetka isagoon wasiirka bixinin sabab rasmi ah oo ka dambeysa amarkaan lagu xirayo adeegyada bulshada ee internetka.
Madaxweyne Denis Sassou Nguesso ayaa dalkaasi maamulayey 32 sano waxaana uu ku jira madaxweynayaasha ugu da,da weyn ee mudada dheer xilalka iskaga ragaay ee qaarada soomaray.
Madaxweynaha ayaa wali u taagan in uu noqda madaxweynaha xige ee dalkaasi in uu noqdo.
72 sano jir aye hada da,diisa gaartay madaxweyne Denis waxaana dastuurka dalkaasi uu dhigayey in qof da,diisu gaarto 70 sano in uusan qaban Karin jagada madaxtinimo ee dalkaasi hasayeeshee madaxeynaha ayaa isbadal ku sameeyey dastuurka dalkaasi si mar kale dib loogu soo doorto.

