Karl-Heinz Rummenigge:- Ciyaartooda Beyer Munich kuma Biirayaan Kooxda Manchester City

0

Madaxa kooxda Bayern Munich Karl-Heinz Rummenigge ayaa meesha ka saaray wararka ku aadan in ciyaartooda qaar ee kooxda Beyer Munich ay ku biiri doonaan kooxda Manchester City oo xili ciyaareedka dambe uu qaban doono macalinka Pep Guardiola.

Agaasimaha Ciyaaraha ee Kooxda Manchester City Txiki Begiristain  ayaa Todobaadkaan xaqiijiyay in kooxda Manchester City ay lasoo wareegi doonto qaar kamid ah ciyaartooda kooxda Beyer Munich madaama shaqada kooxda City uu qaban doono macalin Guardiola xili ciyaareedka 2016/2017.

“Waxba kama Jiraan wararka sheegaya in qaar kamid ah ciyaartooda Beyer Munich in ay ku biiri doonaan Kooxda Manchester city ayuu warbaahinta u sheegay Karl-Heinz Rummenigge.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here