Dowladda Soomaaliy oo Hub iyo Saanad Milatari u dirtay Puntland.

0

Xukumada  Soomaaliya ayaa maanta Markii ugu Horeysay Hub iyo Saanad Military u dirtay Maamulka Puntland tan iyo markii Maalmo ka hor Al-shabaab ay la Wareegeen degaanada ku teedsan Xeebaha Gobolada Mudug iyo Nugaal ee Maamulka Puntland.

Wasiirka Warfaafinta dhaqan ka iyo dalxiisa Xukumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Abaanduulaha Ciimada Xooga Dalka Soomaaliyeed ayaa  Garoonka Diyaaradaha Aaadan Cade ee Magaalada Muqdisho ku sii sagootiyey Diyaaradii ugu Horeysay Qalab Militari u sida Ciidamada Difaaca Maamulka Puntland ee Al-shabaab kula dagaalamaya deegaanada dhaca Xeebaha Bad-weynta Hiindiya.

Abaanduulaha Ciidamada Xooga dalka Soomaaliyeed  Sareeye Guuto Cali Baashi Maxamed ayaa sheegay in Al-shabaab Markii looga Adkaaday Dagaalka Deegaanada ay ka ga sugan Yihiin Gobalada Koofureed ay Miciin bideen dhulka Buuralayda ah ee Xeebaha Maamulka Puntland ay ku tageen Doonyo ay dad Rayad ah uga Afduubteen Xeebaha Koofurta Gobalka Mudug la gana yaabo in ay u sii Gudbaan Meelaha Wadamada Bariga Dhexe ay ka Dagaalamaan Kooxaha Midiinta ah ee Daacish iyo Al-qaacida Waxa uuna Fariin Udiray Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed qeyntooda Gobalada Puntland.

Wasiirka Warfaafinta dhaqanka iyo dalxiisa Xukumada Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in shafar weyn ay Tahay in Xukumada Soomaaliya iyo Taliska Xooga Dalka Soomaaliyeed ay Maanta Diraan Hub iyo Sahay Militari Loogu Talo galay in lugu Difaaco Gobalaha Qatartu ku Cusub tahay Ee Maamulka Puntland waxaa uuna soo hadal qaaday Hadalkii dhawaan ka soo Yeeray Wasiirka Amniga Maamulka Puntland Cabdi xirse cali Qarjab ee ahaa in Dowlada Dhexe ay Soo Abaabushay Duulaan ka AL-shabaab ee degaanada Puntland asoogaa hadalkaasi wasiirka ku Tilmaamey Mid uu Taageero uu uga Taadinayey Dowlada Dhexe.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Warfaafinta dhaqan ka iyo dalxiisa Xukumada Soomaaliya ayaa sheegay in Dowladu ay ka Warheysay  in  Al-shaabab Ciidamo badan geeyeen xeebaha degmada  xarar-dheere inta aysan u Dhaqaaqin Xeebaha Puntland Dowladu ay ku Howlaneyd in ay ka Howlgasho. Waa markii ugu Horeysay Dowlada Dhexe ee Soomaaliya ay Hub iyo Saanad Militari ay u dirto Maamulka Puntland waxaan taasi ay Meesha ka Saareysaa artidii aheyd in Dowlada dhexe ay Maamulka Puntland ku Colaadinayso Go,aankii Siyaasadeed ee uu k qaatay arimaha Doraashooka dalka taasi oo ay qabaan qaarka mid ah Xubnaha maamulka Puntland

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here