Dhageyso:-Ciidamada Ethiopia oo Xad-gudub ka dhan ah Maatida Kawada Xadka Gobolada dhexe ay la wadaagaan Ethiopia.

0

Ciidamada Dowladda Ethiopia oo ujeeddo aan la ogeyn ugasoo tallaabay Xadka Gobolada Mudug iyo Galgaduud ay la wadaagaan dalka ethiopia ayaa lagusoo Waramayaa in ay dhibaatooyin ka baxsan bini-aadamnimada ay ku hayaan shacabka Ku nool deegaanada dhaca miiga goboladaasi,

Wararka Radio Simba uu ka helayo deegaanadaasi ayaa sheegaya in Ciidamada Ethiopia ay falal isugu jira qafaal iyo jirdil ay u geysteen dad shacab ah oo reer guraa ah kuwaasi oo aan la ogeyn sababaha keenay in ay ku kacaan falkaasi.

Ciidanka Ethiopian-ka ah ayaa la sheegay in ay tira dhallinyaro ah ay ka kaxeysteen deegaan hoostaga Degmada Gellinsoor ee Gobolka Mudug Kaxan-dhaale kuwasi oo aan la garaneyn sababta keentay in ay kaxeystaan iyagoona la aaday fariisin ay ku leeyihiin dhinaca xadka,Markii ay kaxeysteen tirada dhallinyarada ah ayaa waxaa kadaba tagay Odayaal iyo Waxgaradka deegaankaasi oo Ethiopian-ku ay dalbadeen in ay u yimaadaan si dhallinyarada ay afduubteen ay usoo daayaan balse markii ay u tageen ayey iyagana ku dareen dadkii ay afduubka u haysteen waxaana hadda lagusoo waramayaa in dhammaan dadka u afduuban Ciidanka Ethiopia oo isugu jira Waayeel,Caruur,haween iyo dhallinyaraba ay biyo ku dhaansanayaan Ciidankii afduubtay.

Haweeneey ka mid ah dadka ku nool deegaanada ay dhibaatada ka wadaan Ciidanka ka tirsan Ethiopia oo la hadashay Warqabadka Radio Simba ayaa sheegtay in dadku ay ku jiraan gumeysi iyo dhibaato kaga imaaneysa ciidankaasi oo ay sheegtay in ay ku hayaan dhibaato xooggan oo marna xoolaha ay kaxeystaan marna ay dadka afduubtaan,waxaana ay intaa sii raacisay in dadkii ay wateen aan la ogeyn xaalkoodu siduu ku dambeyo ayna ugu wardambeysay markii guryahooda laga kaxaysanayey.

Waxaana Haweeneydaan ay ugu baaqday cid walba oo wax ka qabankarta arintaan in ay faragalin ku sameeyaan dhibaatadan joogtada ah ee ay u geystaan ciidanka Ethiopia ee sida sharci-darada ah kusoo gala dhulka soomaaliya.

Halkaan ka dhageyso Codka Haweyneyda ka midka ah dadka ku nool deegaanka Kaxan-dhaale.

Dhinaca kale Markii uu warkaan soo baxay ayaa waxaan la xariirnay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Galmudug waxaana ay ka gaabsadeen in wax faah-faahin ah ay ka bixiyaan xad-gudubka aan gambashada lahayn ee Ciidanka Ethiopia ay ku hayaan shacabka maatida ah ee ku sugan deegaanada ku yaalla Xudduudka gobolada dhexe ay la wadaagan dalka Ethoipia,Waxaana ay ahayd markii bishii hore bilowgeedi Ciidamo Ethiopian ah ay qabsadeen deegaan la yiraahdo dac-dheer oo qiyaastii dhawr KM u jira Magaalada Cadaado islamarkaan ay ku wargaliyeen dadkii halkaa ku noolaa in deegaankaasi uu yahay deegaan hoostaga dalka Ethiopia taasi oo u muuqata daandaansi aan geed loogusoo gamban,balse waxa dad badan ay isweydiinayaan ayaa ah sababta Madaxda soomaalidu ay uga aamusanyihiin xadgudubyada lagu hayo shacabka ay masuulka ka yihiin.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here