Wararka haatan naga soo gaaraya tuulada Garmaal ee gobalka Nugaal ayaa sheegaya in dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa al-shabaab in uu haatan ka socdo deegaanka.
Dagaal ayaa la sheegay in deegaanka ay ku qaadeen ciidamada la dagaalanka argagaxisada maamulka Puntland waxaa haatan la maqlayaa rasaasta iyo hubka culus oo ay isweedaarsanayaan ciidamada maamulka Puntland iyo ciidamada ka tirsan kuwa al-shabaab.
Ciidamada ka Tirsan kuwa Xarakada al-shabaab ayaa la wareegay tuulada Garmaal oo katirsan degmada Eyl ee Gobolka Nugaal. Kadib markii ay ka yimaadeen dhanka deegaanka Garacad ee Gobolka Mudug.
Dhanka kale isgaarsiinta tuulada Garmaal ayaa haatan hawada laga saaray waxaa tuulada laga maqlayaa hubka noocyadiisa kala duwan oo ay isweedaarsanayaan ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa al-shabaab.

