Maamulka Puntland oo ka Hadlay Dagaalka ka Dhacay Tuulada Garmaal ee Gobolka Nugaal

0

Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamo ka Tirsan maamulkaas ay weerareen goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada al-shabaab ee Tuulada Garmaal ee Gobolka Nugaal.

Wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Maxamuud Xasan soocade oo warbaahinta shir jaraaid ugu qabtay Magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal ayaa sheegay in ciidamada amaanka maamulka Puntland in ay soo afjareen wajiga kowaad ee howlgalka ka dhanka ahaa ciidamadii ka tirsan al-shabaab ee dhawaan qabsaday deegaanada xeebta ee Gobolka Bari.

Maxamuud Xasan soocade wasiirka warfaafinta Puntland waxa uu sheegay in mar kale ay fursad siinayaan ciidamada ka tirsan al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday xeebaha deeganada maamulka Puntland si ay isku soo dhiibaan.

Dhanka kale wasiirka warfaafinta Puntland waxa uu sheegay in maxaabis badan laga qabtay ciidamada  al-shabaab ee weerarka kusoo qaaday deeganada xeebta ee Gobolka Bari ee Maamulka Puntland dhawaana saxaafada lasoo bandhigi doono.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here