Dalalka bariga Africa urur goboleedka ay ku bahoobeen ee IGAD ayaa isku raacay in wax badani laga qabto isbadalka cimilada dalalka bariga Africa .
Urur goboleedka IGAD ayaa si gaar ah uga hadlay in wax looga qabto cimilada sii kululaaneysa ee hada ka jirta dalalka bariga Africa.
Madaxdii shirka Tanzania ka dhacay ee looga hadlay isbadalka cimilada ee bariga Africa ayaa muujiyey dhamaan baahida loo qabo in la sameeyo xarun saadaalisa hawada oo la socon karta isbadalka cimilada ee dalalka bariga afrika.
Urur goboleedka IGAD ayaa waxaa ku mideysan dalalka Somalia, Djibouti, Eritrea, Ethiopia, Kenya, South Sudan, Sudan iyo dalka Uganda.
Ururka bariga afrika ayaa bishii hore dhamaad-keedii wada sameystay halbaasa-boor oo ah kan ganacsiga iyadoona dalka soomaaliya laga saaray dalalka bariga afrika ee sameystay halka baasa-boor.

