Maamulka magaalada mandera ee gobolka waqooyi bari ee dalka Kenya ayaa waxaa ay hishiis maanta la gaareen maamulka magaalada balad xaawo ee dalka soomaaliya.
Gudoomiyaha magaalada mandera Fredrick Shisia oo warbaahinta kula hadlay magaaladaasi ayaa sheegay in labada maamul ay hishiis ku kala saxiixdeen magaalada mandera, hishiisksi oo dhigaya in ay isla wadaagaan warbixinada argagaxisada iyo in laga wada qeyb qaato sidii nabad iyo xasilooni loogu soo dabaali lahaa xuduudka u dhaxeeya labada dal.
Fredrick Shisia waxaa kaloo magaalada mandera uu warbaahinta ugu sheegay in labada maamul ee Mandera oo kenmya ka tirsan iyo Balad xaawo oo soomaaliya ka tirsan ay ka wada hadleen in la isku wareejiyo maxaabiista laga qabto argagaxisada si loogu maxkamadeeyo dalkooda asalka.
Dowlada Kenya ay horay dhoor jeer u sheegtay in Al-shabaabka soomaaliya ee soo qaado weerarada ka dhaca dalkeeda ay dib ugu noqdaan degmada Balad Xaawo iyo magaalooyinka kale ee xuduudka dhaca markii ay fuliyaan weerarada argagaxiso.
Hishiiskaan ayaa lagu tilmaamay in uu hoos u dhigi doono qatarta Alshabaab ee dalka Kenya maadaama labada maamul ay ka hortagi doonaan in Alshabaab ay isaga gudbaan labada maamul dhexdooda.
Degmada Balad Xaawo ee ka tirsan dalka soomaaliya ayaa kutaalo xuduudka u dhaxeeya soomaaliya iyo Kenya.

