Maxkamad ku taala dalka Ethopia ayaa xukun xabsi waqti dheer ah ku ridey 28-ruux oo lagu eedeeyay in ay damacsanaayeen aas-aaska urur islaami ah.
Maxkamada ayaa sheegtay in 28-da ruux ay tababar qaateen sanadkii 2003-dii kadibna ay ku biireen kooxaha islaamiyiin sida xarakada al-shabaab oo soomaliya ka dagaalanta.
Waxa ay sidoo kale Maxkamada Sare ee dalka Ethopia ay sheegtay in raga la xukumay ay kasoo qeyb qaateen weeraro ka dhacay Gudaha Somaliya balse dowlada Ethopia ay ka hor tagtay sanadkii 2011-kii weeraro ay ka fulin lahaayeen Gudaha dalkaas.
Hogaamiyaha raga la xukumay oo lagu magacaabo Aman Assefa ayay maxkamada ku eedeeysay in uu weeraro badan kasoo fuliyay Gudaha Soomaliya oo lagu qaaday Sladhgyada Ciidamo amisom haatana uu damacsanaa fulinta weeraro kale.

