Isku hor imaad u dhaxeeyay dadka deegaanka iyo al-shabaab ayaa ka dhacay Deegaanka Wabxo oo Hoos Yimaada Degmada Ceel Buur Ee Gobalka Gal gaduud Ee Bartamaha Soomaaliya.
Dad ku sugan deegaanka Wabxo oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in isku hor imaadka uu geystay qasaaro dhimasho iyo Dhaawac soo kala gaaray ciidamo ka tirsan kuwa al-shabaab iyo dadkii deegaanka ku nolaaa.
Saraakiil ka tirsan hay’ada Nabad sugida dowlada Soomaliya ayaa sidoo kale sheegay in dagaalka lagu dilay 5-askari oo ka tirsana al-shabaab kadib markii ay weerar abaabulan ay qaadeen dad shacab ahaa oo ku nolaa deegaanka wabxo ee Gobolka Galgaduud.
Dhanka kale Wali wax war ah kama soo bixin dhanka Maamulka al-shabaab ee Gobolka Galgaduud ay kaga hadlayaaan dagaalka la sheegay in uu dhaxmaray dadka deegaanka iyo ciidamo ka tirsan al-shabaab

