Sacuudiga iyo Soomaaliya oo kala Saxiixday Hishiis ku saabsan arrimaha Duulista Hawada

0

Dalalka sacuudiga iyo soomaaliya ayaa wada saxiixday hishiis lagu hormarinayo arrimaha gaadiidka iyo duulista hawada.

Wasiirada duulista hawada ee labada dal sacuudiga iyo soomaaliya ayaa hishiiskaan ku wada saxiixday magaalada Jeddeh ee dalka sacuudiga.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada soomaaliya Cali Jaamac Jangali ayaa magaalada Jeddeh kula kulmay maanta wasiirka arrimaha duulista dalka sacuudiga Sulaiman Alhamdan.

Cali Jaamac Jangali iyo wafuud wasaarada ka tirsan oo uu hor kaacayey ayaa casuumaad rasmi ah ka helay dhigiisa dalka sacuudiga Sulaiman Alhamdan.

Kulankaan labada wasiir ayaa diirada lagu saaray hor marinta labadal ee ku aadan dhanka duulista waxaana ay kala saxiixdeen hishiisyo dhigaayo in labada dal ay si isku mid ah  ay u yeeshtaan wada shaqeyn ku aadan dhanka duulista.

Hishiiska ay wada saxiixdeen Ka sakoow labada wasiir waxaa iyagana hishiis la mid ah wada saxiixday caawiyaha wasaarada duulista hawada dalka sacuudiga Capt. Abdul-Hakeem Albdur, iyo caawiyaha wasaarada duulista hawada soomaaliya assistant Capt. Abdulwahid Ahmed.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here