Booliska Magaalada Roma ee Xarunta Talyaaniga ayaa qabtay muwaadin soomaaliyeed oo Booliska Talyaaniga ay la xiriiriyeen in uu ka mid yahay Alshabaab uuna damacsanaa fulinta weeraro argagaxiso oo laga geesto Magaalada Roma ee Dalka Talyaaniga.
Armando D’Alterio waa xeer iulaaliyaha Dalka talyaaniya waxaa uu wakaalada wararka ee reuters u sheegay in muwaadinkaan soomaaliyeed uu jiro 22 sano booliskana ay hada Roma ku xireen.
“Waxaan heynaa qalab cadeenaya fulinta weeraro macquul ah oo argagaxiso oo aan ku soo qabanay ayuu yiri xeer Ilaaliyaha Talyaaniga”.
Lama soo ban dhigin ilaa iyo hada magaca ninkaan la sheegay in uu ku howlnaa sidii uu weeraro argagaxiso uga fulin lahaa Dalka Talyaaniga.
Warbaahinta Talyaaniga ayaa baahisay in nin kani uu aad u farax sanaa xiligii ay Booliska soo xirayeen waxaana ay sheegeen in uu safar ku yimid Magaalada Rome oo laga qabtay .
Booliska Talyaaniga ayaa sidoo kale baahiyey in nin kani uu faafinayey fariimaha xagjiriinta isagoona dhalin yarada ku dhiira galinayey kuu biirista dagaal uu ugu sheegay jihad.

