Maxkamada sare ee Mombasa oo xukun dil ah ku xukuntay nin Kenyan ah oo ka mid ahaa Al-shabaab.

0

Maxkamada ugu sareysa dalka Kenya ayaa ku xukun dil ah ku riday maanta Kenyan ka mid ahaa Al-shabaab oo lagu magacaabo Thabit Jamaldin Yahya.

Thabit Jamaldin Yahya ayaa maxkamada Mombasa ay sheegtay in sanadkii 2012-kii uu weerar ku soo qaaday goob lagu caweeyo habeenkii oo lagu magacaabo Bella Vista Club, kuna taala magaala xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya.

Waxaa kaloo ay maxkamada Mombasa sargaal u hadlay uu sheegay in ninkaan la xukumay uu xili habeen ah ,4 hoobiyayaal ah uu ku soo riday goobtaasi lagu caweeyo , taasi oo keentay geerida hal qof oo ku sugnaa kalaabkaasi.

Martin Muya oo ah qaadiga ku riday ku xukunka dilka ah ayaa warbaahinta u sheegay in la xiray eedeey sanahaasi sanadkii 2012-kii.

Maxkamada ayaan ilaa iyo hada soo bandhigin xiliga lagu fuklinayo dilka toogashada ah oo eedeey sanaha lagu xukumay.

Thabit ayaa isna maxkamada ka hor qirtay in uu ka mid ahaa Al-shabaabka soomaaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here