Maamulka Gobalka Shabeelada Hoose ayaa sheegay in ay ku Guuleysteen in Gobalka Dib loogu Sooceliyo Gudoomiyaal Xilka ka hayey Degmooyin iyo Deegaano ka tirsan Gobalka Shabbelada Hoose kuwaasi Cabsi Awdeeg iskaga soo tagay Gobalka Shabbelada Hoose isla markaan in Mudo ah ku sugnaa magaalada muqdisho.
Gudooomiyaashaan ayaa Xil waxa ay ka hayeen Degmooyinka iyo Deegaanada Gobalka Shabbelada Hoose ee Ugo,doomsan Al-shabaab halka qaarkoodna Al-shabaab ay wali maaulaan waxaana maamulka Gobalka Shabeelada hoose uu sheegay in soocelinta gudoomiyaasha ay qayb ka qaadaneyso sidii loo xasili looni iyo amaan loogu soo dabaali lahaa Gobalka Shabbelada hoose.
Gudoomiyaha gobalka shabbelada hoose Ibraahim Aadan Cali Najax oo hadalay Idaacada Simba ayaa sheegay inay ku guuleystee Gobalka lugu soo celiyo maamulada degmooyinka iyo deegaanada si loo hole maamul ay leeyihiin dadka deegaan oo la shaqeeya ciidamada amaanka.
Ibraahim Aadan Cali Najax Gudoomiyaha gobalka shabbelada hoose oo sii hadlayey ayaa sheegay inay dajiyeen qorshe sadex geesood ah oo al-shaaba looga saarayo meelaha ay kaga sugan yihiin gobalka shabbelada hoose oo ay dajiyeen Maamula Gobalka iyo Maamulka ka sareeya ee koofur galbeed iyo Dowlada dhexe Soomaaliya kaasi oo uu sheegay in uu wax badan ku soo kordhindoono dagaalada lugu la jiro al-shabaab.
Maamulka koofur Galbeed ayaa in Mudo ah ba ku cel-celinayey in ay go,doominka ka sari doonaan degmooyinka iyo deegaanada Gobalka Shabbeelada Hoose ee ay al-shaabaab go,doomiyeen in kastoo aan wali la maqlin Goobo ay xayiraad ka qaadeen

