Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho Yuusuf Xuseen Jimcaale Madaale ayaa ka dhabeeyey balanqaadkii ahaa in uu ka qeyb qaadanayo dhismaha waddada Xamar ilaa Hobyo, taas oo hal ku dhig looga dhigay “Xamar ka quraaco hobyana ka qadeey”.
Mudane Yuusf Xuseen Jimcaale Madaale oo maanta kulan la qaatay Guddiga dhismaha Wadadda Xamar ilaa Hobyo ayaa gudoonsiiyay lacag gaareysa 1,140,000(Halbilyan iyo boqol iyo Afartan Malyan oo shilin Soomaali ah) taas oo u dhiganta $50,000 Doolar, oo horey Gudoomiyaha Gobolka u balan qaaday in uu bixin doono.
Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadirr Yuusf Xuseen Jimcaale Madaale oo hadal kooban ka jeediyay xaflada ayaa sheegay in bulshada soomaliyeed sidoo kale loogu baahan In ay ka qeyb qaadato dhismaha waddada Xamar ilaa Hobyo, oo ka Kooban 560 KM.







